da wadaa dhashaan nahay hal diinaanu leenahay
dal qudhaanu wada nahay
daris iyo walaaliyo dal wadaag ayaan nahay
waxay nagu dagaayaan
waa qabiil dahsoon iyo colaad alle saaree
gobolaysi diida
dabadhiliflayaalbaa baabi ii duqowdiyo
dumarkiyo caruurtii
iyo doraad wixii dhacay dib u soo cel celiyoo
daalalkaa ka leetay
inay nagu daraan damacooduna uu yahay runtii
haday caana daataan dabadaa la qaban jiray
waxaan uga danleeyahay
intaan is dilaynee kala durka is leenahay
dagaladaan ku dhalanaa duulaan la garanayn
iyo guumaysi soo dagiye
allow dawlad qudha duul aan lahayn
dal dalooliyo dabac lagama waa
isku duubniba dalbaa lagu dhisaa rabow noogu deeq

Exit mobile version