damac baa hana qaaday dalkeenaanu fadhiistay dulmi baa u adeegay dadkii buuna gumaaday way dadkii buuna gumaaday x2

dhiig baa dur duraaya sidii daad rog manaaya x2

diintii waa la calaanjay nin walbaa siduu doono tafsiirkii u daliilshoo dantiisuu ku jimeeyay dar ilaahay miyaa
dar ilaahay miyaaaa x2

daalimiintu dhib kooda noogama diir naxayaane
nooma diir naxayanoo maba diir naxayaan x2

naga dul qaad rabiyow rabiyow rabiyow naga dul qaad rabiyoow x2

dow daraa wax is mooday darajaa u hilaacday jahli bay dirsadeenoo dagaal weerar ah qaaday way x2

dusha uu ka xoorteeyo masaajid miine ku daadiye damiirkiisu xumaa x2

xoolihii dabar gooye deegaankii waala cidleeyay dugaag baa nacunaaya hadba doox nagu jiidee dar ilaahay miyaa x2

daalimiintu dhib kooda noogama diir naxayaane
nooma diir naxayanoo maba diir naxayaan x2

naga dul qaad rabiyow rabiyow rabiyow naga dul qaad rabiyoow x2

Exit mobile version