qal qal nagu beer
qaraxii lala beegsaday
ardaydii qalin jabinaysay

qasaarihii na gaadhay
waa midaan qiil loo hayn
qal qal nagu beer

cumar xaashi qaarajiyeen
waayeel qaarajiyeen
daa,uud dirir qaarajiyeen
iyo qaar kaloo badan

qal qal nagu beer
quraan riigii ina cabdoow
qoorta laga gooyee
digtooradii wax qali jiray
qamarna may dhaafin

qal qal nagu beer
qumbulada qola la dhacdo
raboow rabiyoow
wax ka qaboo
qoomkan sidan yeelay
raboow rabiyoow
wax ka qabo oo
qaladkan kuwa gaystay

qaylo dhaan waa wareey
qaa,in wada dilaalaa
hadba soo qasaayoo
qaybi oo xukun baa
qorshuhu yahaye

qayl dhaan waa wareey
qiil dambe ma hadhin
iyo diintoo lagu qadhaabtaaye

qaylo dhaan waa wareey
qudhac jabay sidiisii
qarankii ma u liicay

qaylo dhaan waa waareey
qabriga oo aan galnaa dhaanta
qaabka aan nahee
qumaati u kaca toosa
soomaaliyeey waad qalibanteene

soomaaliyeey toosoo kaca
waad qalibanteene

Lyrics by Ismacil ahmed

Exit mobile version