VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xildhibaan - Lyrics

xildhibaanimo xaal qaado xushmadbaan laga doonaya hadaad xildhaaban tahaye xeerkood ilaaliso haboon iyo xumaha oo diido qaar xilkaba qaadin karin baa la soo xulaye xildhibaanimo xaal qaado xeebaha kuwii iibsado waliba xuurtaysan ayaa xudud dagaal lama hayi waliba xeer qabanaynine dadka kuwii xasuuqa ku jira oo xumaha dhigaye xabadoo dhacaysay rabaan xoolo guuliyay xildhibaanimo xaal qaado amizonbay xaydaab ugu jiran xeryo oodan xabadahu waxay diilan maagta xoogtaane xinjiraha shacabkay handadiyan kuna xashaashaane xaafadbay kuwda noolyihiin xamartii weyneede xildhibaanimo xaal qaado xaafafka nabarada qarsoon xanafta noo laaban xalufka ayagaa noogu wacan xiisadaha taagan xuquuqul adankay jabshan xeer ma dhowraane xurmo ma laha ruuxi xaaran ku dhargaaye xildhibaanimo xaal qaado ilaa laalush xaabsadaan xukun ma gooyane xarbigu inuu sii socday doonayaan tan iyo xiixaye xaqir bay naga dhigayaan anagoo dawlad xoog badana barlamaan xoraan doonayna xiisa loo qabaan doonaynaa xaqiraay dadweynoo leedihiin xukunku ha u maago xaafadaha kasoo wada baxoo sheegta xubintiina oo xumaansada kacsado xiisa ololeeya ilaa xaqiina heshaan yaan la xagal daacin
Queue is empty
-- / --