hablaha sanadadan kacee
hadima waa lagu yaqaan
hiday u ahayd sidaa
adoo halis u mareey
hadhaw kuma arag dhahaan
anaa hubiyoo ku jabay
heesahaa kama an tirsheen
hadaan hirka laygu darin
haadaan daran laygu ridin
hoobaaleey laygu tumin
hiigsaday damac soo galoo
habeen qudha uga sal gaadh
jacalka hasoo hor marin
hadii kale waa hoobeey
hobeey hoobaalayeey
hagaagoo kaa lumiyoo
halawsigu waa jiraa
habeenko kugu mugdiyo
hooraantii waa dadaal
hawraartana waa sidaa
hir bay ii noqotayoo
waxaan eegayay hanaan
hubsiimana waan ka lumay
hadhaw cabashada hayay
halkaabaan kaa jiraa

Exit mobile version