VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hani cabdulaahi - Lyrics

Sida geenyo uguboo Gayigoo barwaaqaa Gudiinka carar dheera iyo Lagu mirayo gacadoo Gurbood lagu gardaadshoo Guudka sayn fardootiyay Garbaheeda qariyee Ku gadaaman yihiinoo 2x Heesaha u gaarkiyo Loo galiyay cigaalkii Golo joogsay iyo qurux Gabadhii u dhalatee 2x Calafku isku keen galay Hani gacaladaydaay Jacaylkaan gu,yaal badan Soo gardaadinaynoo Gabi dhaca u diidnaa Guulaystay maantoo Hadaan goolkii dhalinee Gacalkiyo xigaaladii Gablihiyo ciyaariha Gaafteena laga tumi Gaafteena laga tumi 2x Galad eebe weeyee Gaban iyo caruur Duunyo iyo maal Guule ha ina siiyee Hani gacaladaydaay Gacaladaydaay Gacantaada ii dhiib 2x Gamaan faras baxdooyoo Godankii abaaliyo Gudguud ku nooloow Intuu geesi jaro badhay Bargood lali sidiisii Gaadaha u fidiyoo Lagu gaadhin orodoo Sida loogu goohaan 2x Anigana gidiisii Kuu gacashadaayoo Nafta gooni kuu tahay Cabdullaahi gacaliye 2x Adaa igu gudboon ani Gabankaan dadnimadiyo Garashada ku raacoo Jacaylkaa gu,yaal badan Soo gardaadinaynaa Guulaystay maantoo Hadaan goolkii dhalinee Gacalkiyo xigaaladii Gablihiyo ciyaariha Gaafteena laga tumi Gaafteena laga tumi 2x Galad eebe weeyee Gaban iyo caruur Guunyo iyo maal Guule ha ina siiyee Cabdullaahi gacaliye Cabdullaahi gacaliye Labadayda gacan hoo 2x
Queue is empty
-- / --