VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hani cabdulaahi mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Qoomaal yare
Hani cabdulaahi

Sida geenyo uguboo
Gayigoo barwaaqaa
Gudiinka carar dheera iyo
Lagu mirayo gacadoo
Gurbood lagu gardaadshoo
Guudka sayn fardootiyay
Garbaheeda qariyee
Ku gadaaman yihiinoo
2x

Heesaha u gaarkiyo
Loo galiyay cigaalkii
Golo joogsay iyo qurux
Gabadhii u dhalatee
2x

Calafku isku keen galay
Hani gacaladaydaay
Jacaylkaan gu,yaal badan
Soo gardaadinaynoo
Gabi dhaca u diidnaa
Guulaystay maantoo
Hadaan goolkii dhalinee
Gacalkiyo xigaaladii
Gablihiyo ciyaariha
Gaafteena laga tumi
Gaafteena laga tumi
2x

Galad eebe weeyee
Gaban iyo caruur
Duunyo iyo maal
Guule ha ina siiyee
Hani gacaladaydaay
Gacaladaydaay
Gacantaada ii dhiib
2x

Gamaan faras baxdooyoo
Godankii abaaliyo
Gudguud ku nooloow
Intuu geesi jaro badhay
Bargood lali sidiisii
Gaadaha u fidiyoo
Lagu gaadhin orodoo
Sida loogu goohaan
2x

Anigana gidiisii
Kuu gacashadaayoo
Nafta gooni kuu tahay
Cabdullaahi gacaliye
2x

Adaa igu gudboon ani
Gabankaan dadnimadiyo
Garashada ku raacoo
Jacaylkaa gu,yaal badan
Soo gardaadinaynaa
Guulaystay maantoo
Hadaan goolkii dhalinee
Gacalkiyo xigaaladii
Gablihiyo ciyaariha
Gaafteena laga tumi
Gaafteena laga tumi
2x

Galad eebe weeyee
Gaban iyo caruur
Guunyo iyo maal
Guule ha ina siiyee
Cabdullaahi gacaliye
Cabdullaahi gacaliye
Labadayda gacan hoo
2x

codkii Qoomaal yare, Raaxo shariif