sida geenyo uguboo
geyigoo barwaaqa ah
u diir carar dheeriyo
lagu mirayo gacado
u duuq lagu gardaadsho
guudka saym fartoogte
garbaa heego qariye
ku gadaaman heego

heesaha u gaarka
loo galiyay cigaalka
godol joogso iyo qurux
gabadhii u dhalatee

calafku isku keen galay
hani gacalkaygaay
jacaylkaan guyaal badan
soo gardaadinayno
gabi dacal u diidna
guulaystay maanto
hadaan guulki dhaline
gacal iyo xigaalkii
gabdho iyo ciyaarihii
gaafkeena laga tumi

galad eebe weeye
gaban iyo caruur
guunyo iyo maal
guula ha ina siiye
hani gacaladayda
gacantaada ii dhiib

gamaan faras baxdoodyo
godankii yabaaliyo
gudguud ku nooliyo
intuu geesi jaraybadhay
gargoor ladhay sidiisi
gaadaha u fidiyo
lagu gaarin orodoo
sida loogu goohan

anigana gediisi
kuu gacashadaayo
naftu gooni ku tahay
c/laahi gacaliye

alla igu gudboonani
gabanka dadnimadiyo
garashada ku raacdo
jacaylkaan guyaal badan
soo gardaadinayno
gabi dacal u diidna
guulaystay maanto
hadaan guulki dhaline
gacal iyo xigaalkii
gabdho iyo ciyaarihii
gaafkeena laga tumi

galad eebe weeye
gaban iyo caruur
guunyo iyo maal
guula ha ina siiye
hani gacaladayda
gacantaada ii dhiib

Exit mobile version