sida ubax siraato
siimoo ku baxayoo
siinadiisu wacan tahay
sagal iila siman tahay

saa markaa ku leeyahay
seedaha jidhkaygiyo
sambabada iyo feedhaha
saableyda oofaha
saldhigaad ku leedaho
taan sugaayay waa adi
sagal adiga weeyan

simantii habloodo
xuman laga sifeeyo
sogodiyo xishoodiyo
sarif lagu hareeyo
samo loo dhaloo
naftu sahansataa tahay

sagal suuradaadiyo
suniyaha bil dhaladka ah
si markaan ku eegaba
jacayl igu sar goosta

Exit mobile version