anoo hoos kuu baran baan
kuu qaaday heesee
waxa i hoday dhaldhalaalkee
ma hubsado fudayd badan
haatan laygu wariyoo
naftaa halista galiyee
mar haduu hab kaa yahay
haasaawahaaguba
oo sida haraadiga
hore aad u socon karin
inta haybadaydiyo
sharaftayda hodanka
kugu halaabi laydoo
halka aan ku noolahay
halhays aan ka noqon lhaa
kaa hadhye hawraarsan
gabadhyahay

anigaa hog dheeroo
halaq uu ku jiro
biyo halacleh moodoo
haamaha u qaatee
gabadhyahay hilbahaa
wax kastoo i helaba
kuumaasaan hoydeene
hiil iyo hoba ma lihide
hore kuuma aqoonine
hagardaamdaad waday
hada waan yaqiinsaday
inta haybadaydiyo
sharaftayda hodanka
kugu halaabi laydoo
halka aan ku noolahay
halhays aan ka noqon lhaa
kaa hadhye hawraarsan
gabadhyahay

Exit mobile version