VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ma huraan dhulkeen - Lyrics

Ma huraan dhulkeeniyo Hidihii awowgeen Haybaddeena weeyoo Halkii aan ku hiranayniyo Hanti aan salguurayn Dhaxal weeye aan harinoo, Hootada kuwii diidayoo Hor joogay cadaawaheena Hirtamaayeen sabannadda Halgankoodii dheeraa U huray naftoodoo Gumaystii huleelshoo. Horay aan u soconoo Aan Horumar gaarnee Hoggan iyo shicibow Hagarli waxqabashada Danta guud ha loo kaco Soomaalaay ha loo kaco. Tallo waxay haboonaan Sammaha lagu hantinayaa Siyaasaddoo hagaagtoo Dalka maamul lagu haggo Cadaalad loo horseedoo Aan collaad la haynoo, Hididiiladaasnaa Dadkayagu hamuun iyo Hammi wayn u qabaanoo Higsadaan masiirkood Hadaf inay ku gaaraan Dhibahana hilmaamaan.
Queue is empty
-- / --