1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Ma huraan dhulkeeniyo
Hidihii awowgeen
Haybaddeena weeyoo
Halkii aan ku hiranayniyo
Hanti aan salguurayn
Dhaxal weeye aan harinoo,
Hootada kuwii diidayoo
Hor joogay cadaawaheena
Hirtamaayeen sabannadda
Halgankoodii dheeraa
U huray naftoodoo
Gumaystii huleelshoo.
Horay aan u soconoo
Aan Horumar gaarnee
Hoggan iyo shicibow
Hagarli waxqabashada
Danta guud ha loo kaco
Soomaalaay ha loo kaco.
Tallo waxay haboonaan
Sammaha lagu hantinayaa
Siyaasaddoo hagaagtoo
Dalka maamul lagu haggo
Cadaalad loo horseedoo
Aan collaad la haynoo,
Hididiiladaasnaa
Dadkayagu hamuun iyo
Hammi wayn u qabaanoo
Higsadaan masiirkood
Hadaf inay ku gaaraan
Dhibahana hilmaamaan.