Dib calay qurux rooney
Dartan timo haldhaalay
Jacayl ku talaalan dhuxaa
Kugu sii tarmaayee
Aan kuu tilmaamee
Caashaqan la taahay
Naftu tiirka dhabatiyo
Halistuu ku tiixay

Ruux jacayl i taabtoo
La,aantaa tashan waayay
Ifka ka tabayoo
Talaan kaa sugayaa nuuroow

Timirtii janaadeey
Ayaa taashka kuu sudhoo
Kula taga dhulkii hooyo
Aroos kuugu tuma la naciimaay

Xidigii tilmaanaa
Talantaali hadalkiyo
Wadnaheena toosbuu
Caashaqu usoo dagayaa
Waan kuu tusmeeyay
Jacaylkan tisqaadey
Qalbigu i taabtoo
Xiska kama tirmaayee

Timirtii janaadeey
Ayaa taashka kuu sudhoo
Kula taga dhulkii hooyo
Aroos kuugu tuma la naciimaay

Ruux jacayl i taabtoo
La,aantaa tashan waayay
Ifka ka tabayoo
Talaan kaa sugayaa nuuroow

Naftu tay tabaysay
Jacaylku taraari maayoo
Bartii dhaqankiyo awoowiyo
Seed dhismaayo taladee
Todoba saniyo deeqa
Adaan kugu taamayay
Ku kala tiigsan maayo
Adna taaha ii ogoow

Ruux jacayl i taabtoo
La,aantaa tashan waayay
Ifka ka tabayoo
Talaan kaa sugayaa nuuroow

Timirtii janaadeey
Ayaa taashka kuu sudhoo
Kula taga dhulkii hooyo
Aroos kuugu tuma la naciimaay

Xasanoow daraadaa
Amba waan ku tabayaa
Caashaqan tix galiyoo
Cidlo ha iiga tagin
Taahiyo xanuunbaan
Dhabar ka heelay awgaa
Siday aniga ila tahay
Cishqibaa ila tagayoo

Timirtii janaadeey
Ayaa taashka kuu sudhoo
Kula taga dhulkii hooyo
Aroos kuugu tuma la naciimaay

Ruux jacayl i taabtoo
La,aantaa tashan waayay
Ifka ka tabayoo
Talaan kaa sugayaa nuuroow

Aroos kuugu tuma la naciimaay
Talaan kaa sugayaa nuuroow
Aroos kuugu tuma la naciimaay
Talaan kaa sugayaa nuuroow

Exit mobile version