Erayadii = Maxamed deeq
Laxankii = Maxamed Axmed "Qoomaal"
Muusigii = Mustafe "Karaama"
Giitaarkii = Cumar "Teesiyow"
Codadkii = Qoomaal & Maryan Mursal

Xidigtii naftaydaay
Xiisaan kuu qabaa
Xiisaan kuu qabaayoo
Xalay seexan waayee
Xumadbaa i haysee
Ubaxaan xariirtaa
Ubaxaan xariirtaa
Xabiibti iga gudoon
2x

Gudatayoo xilkaagii
Xamdi eebe weeyee
Alfoow xusuusnoow
Xaaskaagiibaan ahee
Xuural cayntii dunidaay
Xaaskaygii rumaadeey
Amaleey xusuusnoow
Xurmaan kuu hayaa

Xubigaagu inanyohoow
Xoogbuu ii hayaayoo
Xoogbuu ii hayaayoo
Naftu kaama xiistee
Xulashada naftaydoow
Xaasid nama dhex gala oo
Xaasid nama dhex gala oo
Xadhigeena kala jara
2x

Xuural cayntii dunidaay
Xaaskaygii rumaadeey
Amaleey xusuusnoow
Xushmaan kuu hayaa
Gudatayoo xilkaagii
Xamdi eebe weeyee
Alfoow xusuusnoow
Xaaskaagiibaan ahee

Xubnaha jidhkaygiyo
Xuubkiyo wadnaha
Xuubkiyo wadnahaad
Xabiib aad la noqotee
Xaqiiqdii waxaa tahay
Xidid iga mid ahoo
Xidid iga mid ahoo
Dhiiga soo xambaaraa
2x

Gudatayoo xilkaagii
Xamdi eebe weeyee
Alfoow xusuusnoow
Xaaskaagiibaan ahee
Xuural cayntii dunidaay
Xaaskaygii rumaadeey
Amaleey xusuusnoow
Xurmaan kuu hayaa

Xubigiyo jacaylkiyo
Xeerku qoys lahaan jiray
Xeerku qoys lahaan jiray
Xaajiyow ha sii deyn
Xikmadiyo aqoon
Rabi kuu xantoobshaa
Rabi kuu xantoobshaa
Xasuusta igu reebtee
2x

Xuural cayntii dunidaay
Xaaskaygii rumaadeey
Amaleey xusuusnoow
Xushmaan kuu hayaa
Gudatayoo xilkaagii
Xamdi eebe weeyee
Alfoow xusuusnoow
Xaaskaagiibaan ahee
3x

Exit mobile version