wajigiyo dhamanada
dhamays kufka iyo jidhka
midabka maarin dhalaalka
ha riyaaqiyo dhoola cadaynta

nasrinay dhiiranaanta
waxaan ka helaa dhawaaqa
dhagaysiga hadaladaada
xushmayntiyo soo dhaweynta

anshaxiyo dhowrsanaanta
dhaqankiyo edebsanaanta
jilayc qalbi dhibirsanaanta
janaanka dhigtaa agtaada
waxaan ku gam'aa dhabtaada

dhabayntiyo balan rumaynta
samirkiyo dhabar adayga
socodka san laafyahaaga
waxaan la dhaca habkaaga

dhabeelyahay doonistaada
damac ku lamaan dhexdeena
kundhaan yoolkiyo haldhaaga
wuxuu dhayayaa xiskayga

anshaxiyo dhowrsanaanta
dhaqankiyo edebsanaanta
jilayc qalbi dhibirsanaanta
janaan ka dhigtaa agtaada
waxaan ku gam'aa dhabtaada

Exit mobile version