inaad igu qarwayso dartay quud u diiday
inaad ii qaracantohood aad quudan wayday
quman waan ogsoonehee
adigoon qamuumyoon qunyar sheego caashaqa
qandhadiisa baas iyo ha ku dayso qiiree

quruumo uu halaagiyo haku biirin qoonkii
caashaqu qaribayee hadii aad qiran lahayd
waxbaan kuu qaban lahaa

inaad igu qufulantohood qayrkay aduunyada
ani igu qancaysood aad quudan wayday
quman waan ogsoonahay
qushiye naftaadaba waadigan qisaasoo
dhibaatada u qoolee waanadii qabyowde
marna qaadan wayde

Exit mobile version