anoo hamigiyo qalbiga
hawaawir jacayl ka qaba
habeenkiyo maalintii
hurdadu ay igu yartahay

ka go'ay hadinaan cunaa
ka haray hasaawihii
huhana ay tahay adiga

ayaad soo hadashayoo
markaan helay haatufkii
hadalkaad i tidhibaan
horay uga dhacay markiiba

halista adiga haleelay
adaa hawo galiyay laabtee
naftaa kuu hafeefanaysee

hubaashii laba jacayl
ka dhigtay hoybaanu nahay
labaan kala hadhi karayno
halbawlaha isaga yaaloo
hankoodii gaadhayoo
waxaan nahay la isu helay

Exit mobile version