xalay la daruustii la ii dhigay
intaan daawan laabuu
fikirka igu soo dagay
ila koray daruuraha

habeen horena doodii
dunta iyo xariirtii
dagmadii arooskaa
waagu iigu daalacay

duhurkii shalaytana
dunidaan dhib waayine
warqadihii la soo diray
durbadaan furfuraybay
dadkii igaga kadiyeen

markuu inan dantii wado
ee uu dugsiga jiro
diyaarada ma raacoo
jacaylka uma duulee
dareenkaa xasuusta
qaar aan u diidayn
ana ii danaynayn
dadaalkii cusleeyee

xalay dahabkii la moodkii
intaan daawan laabuu
dayaxii habeenimo
ila koray daruuraha

habeen horena doodii
danta wada jirkeenuu
waagu iigu daalacay

duhurkii shalaytana
dunidan dhib waayine
dabnahaan u furaybuu
soo daatay dhibicii

Exit mobile version