tiirkii axdigaynu taagnay
haduu tacabkii hungoobay
cishqiga tahliil daweeysa
talaal iyo dheymo radisha

tan iyo wagaad ogayba
waxaan tidcayaa xasuuso
ilaa taxan uurka hoose
kashayda ku tuula waayo
oo aan abid kuu tarmayin

ka tagay qosol faakihaysi
ma tago goobaha jacaylka
tiraab iyo hadal masheego
qalbiga tiiraanyo ciishay
ilmada timidbaa xanuun leh

haduu tashigii dhaboobo
noloshu way toosi layde
waxay tadani kulee day
tabtii hore aynu yelno

taageero hadaad isiiso
dadkaan tayo dhaafi laaye
wakhtigi tagay muu wacnaane
hadeer taariikh sameeyo
tixgali caasha warkiisa

Exit mobile version