Dhisa i dhise adigaa i dhawrtaa
Dhaya i dhaye adigaa i dhaadaa
Dhisa i dhise adigaa i dhawrtaa
Dhaya i dhaye adigaa i dhaadaa
2x

Waxa tahay dhaayahaygaa
Waxa tahay dhaymahaaga
Intaan dhinacaaga joogoo
Ayaan ahay ruux dhamaysaa
2x

Ku dhiibay naftoo ku siiyay
Ku dhigay maakoo ku eegtay
Jacayl dhaba kugu dhaartay
Dhigaa kaligaa ku doortey
2x

Kaba i kabaw adigaa i dhiirshaa
Dhugta i dhugtaw adigaa i baantaa
Kaba i kabaw adigaa i dhiirshaa
Dhugta i dhugtaw adigaa i baantaa
2x

Waxa tahay dhawristayda
Waxa tahay dhismahayga
Intaad dhibta iga jiraysoo
Agtaada anaa ku dhaataa
2x

Ku dhiibay naftoo ku siiyay
Ku dhigay maakoo ku eegtay
Jacayl dhaba kugu dhaartay
Dhigaa kaligaa ku doortey
3x

Exit mobile version