kugu doortay dabeecad
dadka wada gaadhin
kugu doortay hanka
haybad dumar dheertay

kugu doortay duruusta
cilmiga kugu duugan
kugu doortay danayso
sidaad adigu doonayso

kugu doortay daymada
eegmada dareenka leeh
kugub doortay qiimaha
qawlkaaga dahabkaa

kugu doortay daymada
eegmada dareenka leeh
kugub doortay qiimaha
qawlkaaga dahabkaa

deegaankaygu waa
quluubtaada raxma
oo haynaka dilin
intaan dunida noolahay

deegaankaygu waa
quluubtaada maxamed
oo haynaka dilin
intaan dunida noolahay

Exit mobile version