Ruux igu lamaan
Lagiyo feedha bidix
Nafta guri ku yeeshoo
ku nin gaxan wadnaha
Oo igu ligan inaad tahay
X2

Malado habeen kii sida
Laama doojiyo nafta ula
Lagdamayaan laaca
Waaga toosaa X2

Laxowgii jaceelkiyo
Leedh baa isidatoo
Luguhuna halkaad
Jirtay ladanow ikeenaan
X2

Libintiyo yarkaan
Labeentii kalgacal
Wada dhanay liskiisoo
Liibaanta caashaqa
Beryo igu labeeyoo
X2

Magam'o la'aantaa
Lurkaan aawadaa qabo
Nafta laba lag doodkiyo
Lahashada madaysee
X2

Laxowgii jaceelkiyo
Leedh baa isidatoo
Luguhuna halkaad
Jirtay ladanow ikeenaan
X2

Exit mobile version