sida sagal arooryaad
subax hore da,aayaaad
suuradiisa leedahay
saablayda beerkiyo
seedaha jidhkaygaba
kuu saafay adigee
suuldhabaale weeyaan
siqa hadalka ila garo
goormmaad suldaan imaan

suri maayo aniguyoo
asigaan sanado badan
ku sugaayay inanyahoow
waa sabab aad lledahee
naftan salalshay laylkii
sahal yaanay kula noqon
suuldhabaale weeyaan
siqa hadalka ila garo
goormmaad suldaan imaan

Exit mobile version