Rabbaa oge waan ku aaminayoo
Rabbaa oge waan ku eegi jiree
Wallaw ordijiray ayaamo dartaa
Inaad ragga dhaafto aad ujeclaa
Wallaw aragtida indhuhu tabayeen
Indhigu tabayeen
Adoon uqalmaynin ammaanta badshoo
Anoon ku’ogayn inaad eber tahay
Astaqfurullah intaan ku jeclaa.

Anaa mugdi guurayoo ambadee
Istaahil kumaad ahayn eraybee
Ishaa qaladka leh ikaa tustayoo
Iyadoon ku aqoon aayar bogatee
Cishadaan ku arkaan ayaan-san ahayn ayaan-san ahayn
Adoon uqalmaynin ammaanta badshoo
Anoon ku ogayn inaad eber tahay
Astaqfurullah intaan ku jeclaa

Exit mobile version