anoo jira waayo kooban
hoheey kalinimo ku faana

kalgaclkiyo waayihiisa
anoo kasbashaba aqoonin

jaleecada wiil kufkay ah
xishoodka anoo ka jeesta
haasaawaha koowintiisa
anoon kaalin wacan lka gaadhin

oheey kurbadiyo xanuunka
kadeedka yarkii abuuray
waxuu kibro uu kifaaxaba
intaan keeneeyo maantay
hadeer ima daba kadleeyo

anoo sida koore caashaq
oheey korka iyo ku qaada
kashaydiyo waaxyahayga
anoon kohoshaba dareemin

bareeraha wiilka keenay ax
kalsooni anoon ku haysan
maxaan koolkoolintiisa
xasuusaha kayd u haystay

Exit mobile version