anoo naawilay aktaada
markaad nacam tidhi xidhiidhka
waxay niyadii dareentay
nagaansho aan dhamaan

kolkaad muujisay jacaylka
waliba nidarkii adkysay
ayaan aniguna naftayda
u sheegay nasteexadeena

nuxurka hadalka iyo xishoodka
nadiifka quluubtaada xaadhan
qof aan lagu aqoon nacaybka
ayaa tahay rasmi raysee

walow isku niyad samaaney
nolosha badhkeed wadaagney
naruurada caashaqeenu
nacabka inaga fogeysay

adaana ku yaal nabdiga
nudaha beerkiyo kashayda
waxaa tahay nuur ifaaya
macaan qudhayda ku nuglaatay

nabarka hore iigu yaalay
nugaalka waxaan ilaaway
markaan neecow ku qaato
aktaada ku neefsanaayo

Exit mobile version