bartii aan ku dhalaniyo
barxadii wardhiiglay
igu beermay caashaqa
baahidaada awgeed
sida beerku kuu rabo
bogan waayay jiifkoo
bahol wayga xiisaha
adigaa igu beeray
cabdiyoow ogsoonow
oo iibusaaree
baashada ila qabo
rabi waxaan baryaayaa
balad keenii hooyo
ku bushaashtay rooboo
baliyada xareeduna
jidhaamuhuna buuxaan
maadhiyo baliyadu
baarka isla gaadheen
baxsanoow ku noolnehee

Exit mobile version