Bu,daa nabar ku yaalaa
Boguu ila xanuunoo
Basanbaasay basanbaasay
Basanbaasay basanbaasay awgaa

Balan qaadkii kalgacal
Ha iloobin barashadii
Axdiga ha beenayn
Ha beenayn
Axdiga ha beenayn

Adaan kuu buseelayoo
Adaa i baday jacaylkee
Naftaydoow
Badiirkii naftaydoow

Badbaadadiyo cishqiga
Iyo baxnaanadaydan noloshoo
Beer qaadka lahashada
Bila shayga moodine
Ma ii baananaysaa

Bilihii ina dhaafiyo
Baryahaynu joognabaa
Oon bariisan oon bariisan
Oo bariisan oo bariisan waayee

Bartilmaantii xubiga
Ha ka baqan wacadkee
Wadnahaa i balbalayee
I balbalayee
Wadnahaa i balbalayee

Adaan kuu basaasayoo
Adaan muu badhaadhee
Naftaydoow
Badhaadhihii naftaydoow

Badbaadadiyo cishqiga
Iyo baxnaanadaydan noloshoo
Beer qaadka lahashada
Bila shayga moodine
Ma ii baananaysaa

Ma ii baananaysaa
Ma is baanaynaa
Ma ii baananaysaa
Ma ii baananaysaa

Exit mobile version