Sidii dhiro tigaadeed
Saymihii ku dhacay iyo
Dhargiyeen daruuruhu
Ay dhacata doogiyo
Darar laamihii koray

Dhibcihii ku hooriyo
Dharabkii ku wada yaal
Dhabanada caleentiyo
Dhanka hoose geedaha
Xiisa aan la dhaafeyn
Xiisa aan la dhaafeyn

Dheehooda aragrita
Daaq meel quruxda leh
Sida loogu dhaygago
Adiguna dhigoodaad
Dhadhamisaa kalgacalkoo
Cindigaad dhex qaadee

Hadaad soo dhawaan lahayd
Hadaad soo dhawaan lahayd
Soo kulama dheeleen
Dheeleen
Soo kulama dheeleen
Soo kulama dheeleen
Soo kulama dheeleen

Sidii dhugta karaareed
Sooka meel i dhigatiyo
Dhamayaan daruuruhu
Oo dayla daaqiyo
Darar laamihii koray

Dhibcihii ku hooriyo
Dharabkii ku wada yaal
Dhabanada caleentiyo
Dhamaan hoose geedaha
Xirma aan la dhaafeyn
Xirma aan la dhaafeyn

Dheehooda aragrita
Daaq meel quruxda leh
Sida loogu dhaygago
Adiguna dhigoodaad
Dhadhamisaa kalgacalkoo
Cindigaad dhex qaadee

Hadaad soo dhawaan lahayd
Hadaad soo dhawaan lahayd
Soo kulama dheeleen
Dheeleen
Soo kulama dheeleen
Soo kulama dheeleen
Soo kulama dheeleen

Exit mobile version