Maandeeq hasheeniyo
Midnimadii loo halgamay
Malyuumaad lagu dilee
Maydkooduna badnaa
Mudaba taan raadinee

Madow iyo gaal cadaan
Misaar midi uga dhacsaday
Madow iyo gaal cadaan
Misaar midi uga dhacsaday
Anoo muluquumayaxaa

Macnaha aan doonaaya iyo
Waxaa maalmahaas maqnaa
Midnimiyo gobonimee

Miyaan qaranka maanta maqan
Dhalinyaro mitida oo
Uu midawdaaba jirin
Uu midawdaaba jirin
Uu midawdaaba jirin
Uu midawdaaba jirin

Maaxaa magacyada qabiil
Dadweynaha loo malgahay
Murtibaan kuu sheegayaa
Qabiil meel laguma tago ee
Mayda soomaaliyeed

Midigta is qabsadoo
Maxaa maalmahan qaldani
Midigta is qabsadoo
Maxaa maalmahan qaldani
Murugo reebayaan

Macnaha aan doonaaya iyo
Waxaa maalmahan maqnaa
Midnimiyo gobonimee

Miyaan qaranka maanta maqan
Dhalinyaro mitida oo
Uu midawdaaba jirin
Uu midawdaaba jirin
Uu midawdaaba jirin
Uu midawdaaba jirin

Exit mobile version