Anoon haasaawe guur
Hanaankiisaba aqoon
Hawada caashaqu imarin
Jaceyl baan uheelanayn
Adaa igu habay kalgacal
Sidii hayiniidabroo
Hogaan u layli ibaray
Markaan haye kugu aqbalay
Hagaagayoo ku idhi
Hankaygii adaa jabshee
Inaan kugu hagar baxo
Mar kale haye ha iga sugin
Anoo hanadow kujecel
Hirdoogliyo hadhoc qabow
Sidii hoobaan indhuhu
Hamuun kuu qabaan
Anoo heegada sariyo
Samada hoy kaaga dhigay
Halyey magacaagu yahay
Anoo hiil iyo hoo
Dartaa heegan u ahay
Hankaygii adaa jabshee
Inaan kuu hagar baxiyo
Markale Hiil ha iga sugin

Exit mobile version