Anu waxaan doonayaa
Hadal laguma daalee
X2

Anu waxan doonayaa
Deg deg inaan is aroosno
Sarir ku dakayno dusheda
Dusheeda ku ciyaarno
Danteena helnoo

Anigoo haraad idilaayo
Dartaa biyaha hadii aan
Soo dulmaro ma darsade
X2

Dayoo adi ha igu diidin
X2

Anu waxan diidayaa
Doqon nimo mafiicnee
X2

Anu waxan diidayaa
Duli inaan noqonaa
Aroos kala daadsan
Da'deen nagu caaydo
Dad aan barinee x2

Anigoo dadaalayaa
Dan arin dabacsan
Naftaa ka diidaysa
Ma doonayee x2

Daayoo ubax ha igu
Diidin x2

Aduunyadu way dunta
Way dagtaa sidaad
Damacday maaheee
X2

Aduunyadu way dunta
Way dagtaa waa in deg
Deg aan isla daaqno
Dhismahuu kuu didaaye
Wakhtigaa sii durkaaya
Dib ha udhiginee x2

Anigoo haraad idilaayo
Dartaa biyaha hadii aan
Soo dulmaro ma darsade
X2

Dayoo adi ha igu diidin
X2

Dantiisa ruuxaan aqon
Aan aqoon iyadaa soo
Dabartee x2

Dantiisa ruuxaan aqon
Aan aqoon kolay daleed
Ku halowyee dag dagu
Ma fiicnee adòon igu
Diidin dib noogu dhigay
X2

Anigoo dadaalayaa
Dan arin dabacsan
Naftaa ka diidaysoo
Ma doonayee x2

Daayoo ubax ha igu
Diidin x2

Exit mobile version