halbawlaha dhiiga qaadiyo
halista wadnaha i jaree
hawaawiga adaa i baday
hugaygaan ku moogaya
haraadbaan kuu qabaa
hawada kaa daawada
hadii aynaan is helin
ama aynaan wada heshiin
naftaydaan halaynayaa
jacayl halis weeyiyoo
cilmiba waakii god dhigay
hodana maba ogee siduu
ugu heeranyahay
anaa laabtiyo hiyiga
adaa hadhsadoo hantiyay
halista wadnaha i jaree

Exit mobile version