Ayaan badanow Arooskaaga laysku arag
oo hooyada haybadlay hadiyadbay sidaa
ducana way kuu hibaysay horomar gaadh

hooyo inankaygiyow caaqilkaan dhalow
adhaxda iyo beerka ubaxii ka beermiyoo
amaan iyo ducaba waad iga istaahishaa
intaada horaad u dheeqday Allow ku daa

Ayaan badanow Arooskaaga laysku arag
oo hooyada haybadlay hadiyadbay sidaa
ducana way kuu hibaysay horomar gaadh

Arooskaagaan in badan eegayoon jeclaa
inaan ubadkaaga arka oo Allow igu simo
Allaan ka baryeyaa rabigay ha ii aqbalo
Allow guurkaaga kii lagu aflaxo ka yeel

Ayaan badanow Arooskaaga laysku arag
oo hooyada haybadlay hadiyadbay sidaa
ducana way kuu hibaysay horomar gaadh

Exit mobile version