VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dawee naftayda - Lyrics

dumar lama sinide xubno dabacsanleey ubax dayr dhashiyo daa,uus la mood xubnahaaga iyo daymada indhaha markaan daawadaa doogtii jacayl igu soo dagtaayoo la dakaamayaayoo daawee naftaydoo daadihi naftayda dumar kaaga hadhay sida dirir onkaday deegaan la fili dalmaseeye roob dad qaboojiyoo diric lagu hirtiyo raga doorkiyoow aniguba dartaa daqaradii jacayyl daan iyo xanuun daal iguma yara daawee naftaydoo daadihi qalbiga deeqoow ku jecel sidaa tahay darmaan iyo dano qurxoon daaqsin meelaha lagu dirayo hawd dusha midabka iyo timahaad dabtee dhabanada ku dagan markaan daawadaa intuu laygu dago sidii ruux dardaran u dubaaxiyaaye daawee naftaydoo daadihi qalbiga dumar kaaga hadhayey sidii sheekh digriga darajada illaah diinteena mudan dambarsaday cilmiga dambi laga qoriy o ka cabsada darxumo dar illaah u nacay markii aan ku dayo kalgacayl dibjiraa igu soo dagee daawee naftaydoo daadihi qalbiga deeqoow ku jecel
Queue is empty
-- / --