Galkacaylku waa ciidan
Cisiloo karaamaysan
Waa cugaha soodoora
Ruuxii caqliga deeqa

Naxli maaha caradiisu
Cabbaar laabta kuma raagto
Waa culay qalbiga miira
Waa caano iyoo nabaad

Waa gobiyoo caadkeede
Intaan soo rogaal calinoo
Aan casuunnoo labadeennuu

Galkacaylku caan weeye
Waa calafka sahankiisa
Waa caleema saarada
Ruuxa u cuntama maanka

Cafis weeye dhaqankiisu
Cambaareeynu kama yeedho
Waa culay qalbiga miira

Waa gobiyo caadkeede
Intaan soo rogaal celinoo
Aan casuunnoo labadeennu..

Exit mobile version