ogaal sheekadu ahaa ogaal
taariikhdu ayaamanaa
jacaylku ilwaad samaa
illaah amarkiisa iyo
adoomada aragtidooda
abaartoodu kala fogaa

caawana ereyada kalgacal
waxaan afka ugu hayaa
habeenkii astaanta wacan
arooskeen u ahaa xuskiiban
aloosayaa

eebaa mahadaa iska le
ud goonow muxamed ba {csw}
nuurkiisii ulanayaa

amran anigaa amren
ayaanle adigaa ahaa
albaab khayrlaa furmaday
dagani nolosheena iyo
dareenka inoo dhexeeya
dulqaadbaa inoo balana

Exit mobile version