safarbaa latagayaa
iyo socoto dheeroon
soonoqod lahaynee
ina wada sugaayee

surin waxa lamarayaa
siig iyo dabal loo
suudiyo cad ceedana
han ku kugu dagaysoo
surmi iyo haraad badan
taa waxaa ka daran taa
halag micida saydhiyo
saylaha libaax iyo
abeesada susumayoo

ninkaan see afwayn liyo
aan wadan sahay badan
kama samato baxayee
sidee loo jid marayaa

sokeeye iyo xigaalbaa
sooryeeyo malahoo
saa xiibkaa rumaadoo
ku saacida majiigoo
reer samadka yaaloo
usii hoyato malahoo

sahaydeedu meeshaas
subaq iyo saliid maaha
sonkar iyo bariis maaha
caanihii sibraarkiyo
hilib lasolay maaha

soorta dunida taaloodhan maaha
sahaydeedu taamaaha
waa sanqar lasocoo
hasoo laaban hasoonoqon

bal aan idin su aalee
maxaad saaka wadataan
subaxaa qiyaamaha
la hortagi subxaanka
ninka saaka jeceloow
xilka sahal hamoodine
dhulka aan kusoconiyo
samaduu ka culusyaha
yuu sibiq idinku galin

Exit mobile version