danta dalka dadka somaliyeedow fariimaha dur durayiyo su'aalahaa is dabayaal dulucdiyo ujeedadu waa dood inoo furan

yaa colaada damin kara dabka yaa bakhtiin kara yaa dooni kara nabad dalka dib udhiskiisiyo dadka yaa wax tari kara dalkiyo dadkaba

yaa qarankii shalay dumay darbiga u adkeen kara umada yaa isku duwi kara kala durugtay waa yadan

dariiqyada agoonta gaajadu ku dubatiyo curyaamiinta hogaan iyo yaa daryeel ufidin kara

waa dacar qabiilkuye yaa diiday oran kara dadka yaa hor iman kara hadal deeqa oran kara kasban kara rag iyo dumar oo xumaan ka daahira

cad ceedbaa dul joogtoo dhidid baa kada'ayoo diifbaa ku taaloo bulsho daalan weeyee

dur durada xareediyo yaa dakhalka geen kara dareen kii wadanigiyo yaan kadhiman damiirkoo dhibaatadu damqaysaa

Exit mobile version