Lix saniyo dheeraad
Jacaylkaan dhisaynee
Dheeliga u diid idhi
Wali muu dhamaanine
Maalintan ku dhawraba
Jacayl igu dhamaayoo
Dhinbiil aad u kulul iyo
Dhamac buu iga shidaya
Inanyahay dhamaan dumar
Dhaqan iyo asluubiyo
Qurux baad ku dhaaftee
Alaa kuu dhameeyee
Miyaan kaa dhargaayaa
Dhiigiyo jidhkaygiyo
Dhabarkiyo laxaadkiyo
Maqalkiyo dhaayaha
Rabi kugu dhameeyee
Qalbigaad ku dhigantoo
Calooshaad dhex miratoo
Dhuuxaad kulaysaa
Dhaymihii naftaydaay
Dhankastaan jaleecaba
Midaan kula dhigaba wali
Maba aanay dhalanine
Alaa kuu dhameeyee
Miyaan kaa dhargaayaa

Exit mobile version