aragsaneey
tin iyo cidhib idileey
aynigeed quruxed
ilwaadeey iniqi kaamaba dhinee
ma afar iyo robnaadaa
dayaxoo oogada hayaa
abuuraha illaahay
amaantoodu badanaa
ubaxiy udgooneey
indhahaad u roontoo
qalbigana ilaysiyo
iftiin baad u noqotee
aynigaagan oo kale
nin ayaan lehbaa hela

edab badneey
asalkii soomaaliyeey
asluub dhaqan lagu asteeye
iniqi kamaaba dhinee
ma afar iyo tobnaadaadbaa
dayaxoo oogada hayaabaa
abuuraha illaahay amaantoodu badana
ubaxiyo udgooneey
indhahaad u rontahoo
qalbigana ilaysiyo
iftiin baad u noqotee
aynigaagan oo kale
nin ayaan leh baa hela

Exit mobile version