Calanyohoow casaankiyo
Cadaan lagu sameeyee
Cagaarkuna ku ladhan yahay
Caqiidada islaamkiyo
Inu caadil jirabaa
Calaamadaadu ay tahee

Cadaalada loo siman yahad
Afrikaba ka curisoo
Cadawgii ku diidana
Caqlibaad u leedahayee

Waata sida cadceedaad
Aad caan ka noqotee
Somaliland cisi ku noolow
Somalilaney cisi ku noolow
Somaliland cisi ku noolow
Somalilaney cisi ku noolow

Calanyohoow casaankiyo
Cadaan lagu sameeyee
Cagaarkuna ku ladhan yahay
Caqiidada islaamkiyo
Inu caadil jirabaa
Calaamadaadu ay tahee

Calaf iyo nabad baad
Runtii noogu cugatoo
Caalamkiyo aduunyada
Ku caleemo saaree

Waata sida cadceedaad
Aad caan ka noqotee
Somalilaney cisi ku noolow
Somaliland cisi ku noolow
Somalilaney cisi ku noolow
Somaliland cisi ku noolow

Exit mobile version