Calanyahaw casaankiyo
Cadaan lagu sameeyee
Cagaarkuna Ku ladhanyahay
Caqiidada islaamkiyo
Inuu caadil jiro baa
Calaamadaadu ay tee
Cadaalad lo simanyaad
Afrikaba ka curisoo
Cadawgii Ku diidana
Caqli baad u leedahayee
Waqadsiga cadceedaa
Aad caan ka noqotee
Somaalilaan cisi ku noolow
Soomaalilaaneey cisi ku noolow

Calanyahaw casaankiyo
Cadaan lagu sameeyee
Cagaarkuna Ku ladhanyahay
Caqiidada islaamkiyo
Inuu caadil jiro baa
Calaamadaadu ay tee
Caano iyo nabad baad
Runtii noogu cugatoo
Caalamkiyo aduunyada
Ku caleemo saaree
Waqadsiga cadceedaa
Aad caan ka noqotee
Soomaalilaaneey cisi ku noolow
Somaalilaan cisi ku noolow

Exit mobile version