Hawlahanii habeenadan
Naftaydan la taahaa
Habeenadii jacaylkoo
U haleeshayoo
Halbawlaha i goysee

Halbawlaha wadnaha iyo
Halistii wareegtee
Halbawlaha wadnaha iyo
Halistii wareegtee

Ma ii hiillinaysaa
Ma ii hagar baxaysaa
Ma is heli karaynaa
Waan kuu hanweynoo
Waan kugu hamiyayaa

Haweenkiyo hablaha kale
Waan kuri ka doortaay
Waataan heshiinee
Hawraartiyo
Masalaha dhamaynee

Hagardaamo iyo ciil
Ana yaan la hooyanee
Hagardaamo iyo ciil
Ana yaan la hooyanee

Ma ii hiillinaysaa
Ma ii hagar baxaysaa
Ma is heli karaynaa
Waan kuu hanweynoo
Waan kugu hamiyayaa

Exit mobile version