Hadii aan ogaan lahaa
Waxbaan odhan lahaa
Urugada jacayl
Wey ilmayn lahaydee

Waataan ul iyo diir
Ehel wada ahayn
Ubax iyo udgoon
Awlaad kalgacal

Eegmada indhuhu
Ma iloobinoo
Waan u ololayaa

Ilamaa ayaantii
Arageenii kow
Afka kugu hayaa
Aroor iyo habeene

Aduunyada dhamaanteed
Mid aan ku ag dhigo
Ileen maba ogayn
Ayaan quruxsaneey

Ifka dhamaanteed
Mid aan ku ag dhigo
Ileen maba ogayn
Ayaan quruxsaneey

Eegmada indhuhu
Ma iloobinoo
Waan u ololayaa

Exit mobile version