Soomaalilan cidhiidhi maaha
Cidliyo lama degaan maaha
Bal eega cidhifyada mateeda
Basmiyo milixdiyo kaluunka
Habliyo geeyada ku caana

Bal eeg ciidan dahabku jiifo
Macdantan buuraha cunaysa
Bal eega cadradaa xishoodkaa
Caadada dhaqankooda haysta
Caadada dhaqankooda haysta

Cawiyo nabadiyo ayaankana
Calankan tawxiidka sida
Alahii caadilee na siiyo
Cadaalada nagu hanooni
Cadaalada nagu hanooni

Cawiyo nabadiyo ayaankana
Calankan tawxiidka sida
Alahii caadilee na siiyo
Cadaalada nagu hanooni
Cadaalada nagu hanooni
Cadaalada nagu hanooni
Cadaalada nagu hanooni

Soomaliland cimiladeeda
Cidba la wadaagto maaha
Bal eega cawskan iyo doogan
Caleenta dhirteena saaran
Hawada caafimaad qabkeeda

Bal eeg cuudka iyo maalka
Caanahan subaga buuxa
Bal eega culima u tirikoo
Cilmigay barayaan dadkooda
Cilmigay barayaan dadkooda

Cawiyo nabadiyo ayaankana
Calankan tawxiidka sida
Alahii caadilee na siiyo
Cadaalada nagu hanooni
Cadaalada nagu hanooni

Cawiyo nabadiyo ayaankana
Calankan tawxiidka sida
Alahii caadilee na siiyo
Cadaalada nagu hanooni
Cadaalada nagu hanooni
Cadaalada nagu hanooni
Cadaalada nagu hanooni

Exit mobile version