Cudurka weeye jacaylka daran
Culimadaa loo bandhigee
Dawo celisa ma loo helayaa
Cuntadii ka go’ay
Caashaqaan ihalay

Ma caashaqaa la calaacalaa
Ma calooshaa ka ooyaa
Hadaad naftayda caawin karee
Ceemis ma leh qof jacaylku ciilay

Cagta meesha dhigaba
Ciribtaan saara adaan ku arkaa
Cawo iyo maalin ma seexan karo
Hurdo la’aan casirkaan ku gaaro
Ha iga cararin cidlo ha iga tagin
Caalamakoo idil kaan ka doortoo
Jacaylka cusub soo dhaweey

Exit mobile version