inantaan u jaray
jiifiyo hurdeen
jantayeen rabaay

ubax jaadba jaadaa
joog qurxoon ku yaal
jiriye i saar jaleecada
indhahaad soo jiidataaye

naf ku jamataybaa
kuu jeelanoo
qalbi kuu jajabanbaa
ifka kuugu jecel
jeex iga midiyo
jiirkaygiiyeey macaan
joog quruxsaneey

jinigaaga iyo
jamaalkaagiibaa
macaaneey jiitoo qalbigu
wuu jiboonayaaye

Exit mobile version