marwadii haweenkaay muuqaaga wacan iyo
milicsiga indhahaaba isoo jiidanaayee

maankiyo qalbiga iyoo miyirkaad dhex miratoo
muunaay dhex miratee

maalin iyo habeenba meeshaad ku nooshahay
muuqaa ka raadshaa macaneey ka radshaa

markii aan ku milicsaday muuqaaga daawado
muxibaa i qaadoo waan miyir beele muuqaagu wacana

tii ii mudnaydoo maankayga deeqdoo
miisaanka socodkaa i maqsuudinaayee

maskaxdiyo qalbiga iyo maankaad ku milantoo
marwaay ku milantee
maqrib iyo habeenbaa meeshaad maraysaan
muuqaa ka raadshaa

Exit mobile version