Wagerey adduunyada
jacayl wabax ma noqonine
waglo uga ma jeede
wiilal dhalay la siistaay
waadigii haweeneey
adoon iga war diideyn
ayaa waji kaa hor kuu wada
wada kala wanaagsane
wacan ciidi loo bogey
hareerihii wacnaa iyo
aad walwaal aragtide
yaa wardheer ku soo bara

Weynu tuu ugu deeqee
qurux weel u buuxshee
waaxyaheeda qorayee
loo wada dhameeyaay
inta kula wajiiriya
halka waalid igu dhalay
ayaa gogol weyn kuu dhiga
wada kala wanaagsane
wacan ciidi loo bogey
hareerigii wacnaa iyo
aad walwaal aragtide
yaa wardheer ku soo bara

Exit mobile version